Madaxweynaha Jubaland oo shir la qaatey Ergada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

Published: May 18, 2020
Axmed Maxamed Islan madaxweynaha Jubaland

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Axmed Maxamed Islan ayaa shir la qaatey ergooyinka beesha caalamka u qaabilsan Soomaaliya oo uu u horeeyo ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan, iyaga oo isticmaalaya Internetka.

Shirka ayaa looga wada hadley xaaladda Jubaland, hormarka dhanka dib u heshiisiinta siyaasadeed ee Jubaland iyo doorashooyinka dalka ee soo aadan bilaha soo socda.

Waxaa shirka ka soo qayb galay Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirada wadamada UK, Norway, Sweden , Germany iyo Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Waxaa muuqata in Beesha caalamku si buuxda hadda la shaqeynayaan Axmed Madoobe, inkasta oo Dowladda federaalka ah ay weli diidan tahay in ay aqoonsato doorashadii Jubaland ee lagu doortey Axmed Madoobe.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *