Madaxweynaha Puntland oo si faahfahsan uga hadlay Xaalada Amni ee Puntland.

Published: May 18, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay shir jaraaid oo uu qabtay waxa uu si faahfaahsan uga hadlay Amniga Guud ee Puntland, Qorsheeyaasha dhinaca Amniga ee socda, dadaalada ay dawladiisu waddo, waxa uu sheegay in wax badan uga qabsoomeen arimahaas, sidoo kale ay ku dabajiraan dadkii ka danbeeyay dilkii ka dhacay Magaalada Gaalkacayo, kii lagu dilay gudoomiyaha Gobolka Nugaalna dad loo hayo, cidii ay ku cadaatona lagu qisaasi doono meel fagaare ah.

Madaxweybe Deni wuxuuna ka tacsiyeeyay geerida alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur oo uu sheegain ay dileen dad arxan laawayaal ah.

Waxa uu sheegay in falkaasi argagixiso uusan niyadjab iyo baaqsasho ku keenayn shaqada socota, howlgalada amni ee argagixisada lagusoo afjarayona ay sii socon doonaan inta laga sifeynayo dalka.

“Dowladda Puntland waxay dagaal kula jirta argagixisada ah cadowga Puntland iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed, Ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland waxay howlgalo amniga lagu sugayo ka wadaan magaalooyinka waa weyn, waxay fashiliyeen weeraro la maleegayey iyagoo qabqabtay unugyada argagixisada ee magaalooyinka” ayuu lagu yiri War ay dawladu baahisay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in Puntland iyo Ciidamadeeda aysan illaa iyo hadda jirin cid gacan ka siisay la dagaalanka argagixisada iyadoo ay wadamo iyo hayáddaha taageera Soomaaliya ay sheegaan in ay Soomaaliya ka taageeraan Amniga. Wuxuu sheegay Madaxweynuhu in aysan jirin wax taageero Ciidan ah oo ay Puntland hesho.

Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland inay doorkooda ka qaataan illaalinta amniga iyo horumarka Puntland, wuxuu si gaar ah Madaxweynuhu fariin ugu diray dhallinyarada reer Puntland inay dowladda kala shaqeeyaan amniga.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *