Maraykanka oo duqeeyey al-Shabaabka gobolka Jubada Dhexe

Published: May 18, 2020

Wakaaladda wararka ee SONNA ayaa sheegtey in duqeyn lala beegsadey xubno ka tirsan al-shabaab oo ku sugnaa gobolka Jubada Dhexe.

Duqeynta ayaa ka dhacdey deegaanka Kuunya Barrowe, waxaana SONNA sheegtey in lagu diley laba xubnood oo ka tirsanaa al-Shabaab.

Duqeynya waxaa fuliyey diyaaradaha Maraykanka waxaana la shaqeeyey kumaandooska Dowladda federaalka sida lagu yiri warka wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Waxaa muddo hakad ku jirtey duqaymaha Maraykanku ka geysto Soomaaliya, kadib markii cudurka coronavarus uu dinada ku faafay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *