Shiinaha oo Ogolaaday in baaritaan lagu sameeyo Asalka Coronavirus

Published: May 18, 2020

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay inuu taageerayo baaqa Caalamka ee ah in la sameeyo baartitaan saynis ah oo madaxbanaan oo ku saabsan asalka Cudurka Coronavirus, hase yeeshee wuxuu shuruud uga dhigay in marka hore laga wada shaqeeyo sidii loo xakamayn lahaa cudurka.

Madaxweynaha ayaa hadalka ka jeediyay Shirka Sanadlaha ah ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo maanta oo isniin ah qabsoomay. Ilaa 100 wadan oo caalamka ayaa ku baaqay in baaritaan madaxbanaan lagu sameeyay asalka halka uu ka yimid Cudurka.

Madaxweynuhu ayaa difaacay habka wadankiisu u maareeyay faafitaanka Cudurka, waxaana uu sheegay in si daacad ah ay uga warbixiyeen khatarta cudurka iyo faafitaankiisa.

Maraykanka iyo Midowga Yurub yaa gadaal ka riixeysa in Shiinaha dhabarka loo saaro in uu masuul ka yahay Coronavirus,islamarkaana waxay ku baaqayaan in baaritaan madaxbanaan lagu sameeyo asalka Cudurka.

Fayraska Covid-19 ayaa ka soo shaac baxay magaalada Wuhan, ee dalka Shiinaha, bishii Diseembar, waxaana uu dilay dad ka badan Saddex Boqol oo kun qof ayaa u dhintay Cudurka, waxaana uu saameeyay dad ka badan 4 Milyan oo qof.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *