Sucuudiga Oo Laga Sugayo Go’aanka kama Dambaysta ah ee Xajka Sanadka

Published: May 19, 2020

Xukuumadda Indonesia ayaa ku booriysa boqortooyada Sucuudiga inay ku shaaciso go’aanka ka dambaysta ah ee ay in Xajka Sanadkan la qabanayo iyo in la joojinayo Cudurka Coronavirus awgiis

Oman Fathurahman, oo ah afhayeen u hadlay wasaaradda Diinta iyo awqaafta ayaa sheegay inuu rajo ka qabo in Sucuudigu soo saaro go’aanka Xajka sanadka ka hor inta ayan soo gabagaboobin bisha ramadan

Indonisia ayaa ah dalka ay ku noolyihiibn Muslimiinta ugu badan Caalamka, waxaana sanad kasta ka soo xajiya xujay lagu qiyaaso labo boqol iyo labaatan kun oo qof (221,000).

Dad ka badan labo milyan oo qof oo Muslimiin ah ayaa sanadka soo guto waajibaadka Xajka, 75% Dadkaasi waxay ka yimaadaan adduunka dacaladiisa.

Boqortooyada Sucuudiga waxaa aafeeyay cudurka safmarka ah ee Coronavirus, dad ka badan 50 kun qof ayuu cudurku ku dhacay, waxaana u geeriyooday 320 qof.

Dhaqaalaha Boqortooyada Sucuudiga oo aad ugu tiirsanaa Dhoofka Saliid Cayrin ayaa waxaa saameeyay hoos u dhaca dhaqaale ee guud ahaan caalamka ee uu sababay cudurka Coronavirus. Sucuudiga waxaa kalo dhaqaale ka soo geli jiray Malaayiinta qof oo dalkaasi u yimaada cimrada iyo xajka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *