Turkigga oo Bandow kusoo rogay goboladiisa waqtigga ciidka.

Published: May 19, 2020

Madaxweynaha Dalka Turkigga Rajib Dayib Ordoggan ayaa ku dhawaaqay in dalkiisa uu ka dhaqan geli doono bandow socon doona mudo 4 cisho ah kaas oo bilaaban doona maalinta sabtida ee fooda inagu soo haysa, Ordogan waxa uu sheegay in talaabadaan looga hortagi doono faafinta xawligga ah ee Cudurka Covid-19 uu ku socdo.

Bandowga Dawlada Turkigga ay ku dhawaaqday ayaa ku aadismaya maalmaha Ciidka oo dad tira badan ay isugu soo baxaan fagaarayaasha magaalooyinka waaweyn ee Dalkaas, Turkigga ayaana ka mid ah dalalka uu sida ba’an faraha ugu hayo cudurka Carona.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *