Ciidamada Amaanka Boosaaso oo fashiliyay Qarax la qorsheynayay.

Published: May 20, 2020

Ciidamada Amaanka Magaalada Boosaaso ayaa fashiliyay qarax nooca dhulka lagu aaso ah oo ay gacanta ku hayaan kooxo aan la garayn, qaraxaan ayaa la dhigi rabay meel u dhaw gurigga uu degan-yahay taliye ku xigeenka qaybta booliska Gobolka Bari sida ay ilo u xaqiijiyeen Horseed Media.

Ciidamada ilaalada ka hayay gurigga taliye ku xigeenka ayaa la sheegay in ay arkeen ragga aasayay miinadaan, waxaana halkaas ku dhex-martay is rasaasayn aan badnayn, waxaana baxsaday kooxihii qaraxa farsamaynayay.

Dhanka kale Taliska Booliska Qaybta Gobolka Bari ayaa sheegay in qaraxaan lala damacsanaa in lagu waxyeeleeyo dadka shacabka ah, fashilintiisa ay iska kaashadeen ciidamada Qaybta Gobolka Bari iyo kuwa sida gaarka u tababaran ee PSF.

Taliska qaybta Gobolka Bari ayaa sidaan oo kale dhawaan ku guuleystay in ay gacanta kusoo dhigaan qaarna dilaan rag isku dayay in ay weeraraan ciidamo ka tirsan kuwa Amnigga, Sidoo kalena waxaa gawaaridoodii laga helay qaraxyo la farsameeyay Iyo Saanad Hub ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *