Doorashada Burundi: Loolanka u dhaxeeya Xisbi Xaakimka iyo Mucaaridka

Published: May 20, 2020

Shacabka dalka Burundi ayaa maanta oo Arbaco ah u dareeray goobaha codbixinta xili ay weli taagan tahay xiisadaha ka dhashay loolanka u dhaxeeya Xisbi Xaakimka iyo waliba cabsida laga qabo Faafida Fayruska Covid-19.

Doorashadan ayaa lagu wadaa inay noqoto middii ugu horeysay oo uu xilka kula wareego Madaxweyne doorasho ku yimid tan iyo xiligii uu dalkaasi ka dhacay dagaalka Sokeeye, waxaana xukunka isaga degi doona Madaxweyne Pierre Nkurunziza oo dalkaasi kasoo talinayey 15kii sano ee lasoo dhaafay.

Midig: Madaweyne Pierre iyo Murashaxa Xisbi Xaakimka Gen. Evariste

Xisbi Xaakimka ayaa waxa hada u sharaxan Evariste Ndayishimiye oo horey usoo ahaa Jeneraal Militari, dhinaca mucaaridka ayaa waxaa hogaaminaya Agathon Rwasa oo horey usoo ahaa hogaamiye kooxeed xiligii dagaalka sokeeye, shan kale oo musharax ayaa sidoo kale tartanka ku jira.

Pierre Nkurunziza, ayaa cambaareyn xoogan kala kulmay Beesha Caalamka kadib doorashadii dalkaasi ka dhacday 2015 oo uu markii Sadexaad xilka kula wareegay doorashadaasi oo lagu eedeeyey inuu musuq maasuqay, mucaaridka ayaa diiday inay xiligaasi ka qeyb galaan tartanka maadaama uu Madaxweynaha jabiyey heshiiskii ahaa inuu xilka ka dego.

Dalka Burundi ayey ciidamadiisa kamid yihiin kuwa AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya, waxaana la filayaa in doorashadan noqoto middii ugu horeysay oo ay Madaxda dalkaasi xilka kula kala wareegaan si dimuquraadi ah 58dii sano ee uu dalkaasi xorta ahaa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *