Sarkaal ka tirsan DFS oo ka bad-baaday qarax loogu xiray gaarigiisa.

Published: May 20, 2020

Qarax nooca gaariga lagu xirro ah ayaa ka dhacay isgoyska Banaadir ee Degmada Hodan, sida warbaahinta gudaha ay u sheegeen dad goob-oogayaal ah qaraxaan ayaa ahaa mid lagu xiray gaari, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Ilo Xog-ogaal ah ayaa Horseed Media u sheegay in gaarigaan uu lahaa Hogaanka Gen Cali Xirsi Barre oo ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya, dhawaana loo magacaabay hogaanka caafimaadka ee Ciidamada.

Sida la baahiyay 1 qof ayaa qaraxaan ku dhintay, sidoo kale 3 qof ayaa ku dhaawac-may, mana jirto cid si rasmi ah u sheegatay, Generaalka qaraxaan lala beegsaday ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay Dawladihii kala danbeeyay ee Soomaaliya.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *