SYRIA: Bashar Al Assad oo amray in lala wareego Hantida Ina-Abtigiis Maal-qabeenka ah!

Published: May 20, 2020

Dowlada Siiriya ayaa xayiraad saartay dhamaan Hantida uu leeyahay ninka ugu taajirsan Siiriya oo lagu magacaabo Rami Makhlouf oo uu dhalay Madaxweynaha dalkaasi Bashar Al Assad abtigiis.

Rami Makhlouf ayaa ah mulkiilaha Shirkada Telefonada Siiriya ee SyriaTel, waxaana hantidiisa lagu qiyaasaa $5 Bilyan oo dollar, waana ganacsadihii ugu weynaa ee maalgelinayey ciidamada Bashar Al Assad.

Amar Salaasadii shalay kasoo baxay Wasaarada Maaliyada ee Siiriya ayaa lagu sheegay in la xayiray dhamaan hantida ninkan, xaaskiisa iyo caruurtiisa.

Caruurta Maalqabeenkan ayaa ku nool magaalada Dubai

Wasaarada Maaliyada ayaa ku dooday in dowlada ay lacago gaaraya 77 Milyan oo dollar ku leedahay shirkadiisa SyriaTel.

Rami Makhlouf oo hada ku xiran gurigiisa ayaa ku dooday in dowlada dooneyso inay ka dhacdo ama kala wareegto hantidiisa gaar ahaan shirkada Telefonada.

Wuxuuna filim uu soo dhigay bartiisa Facebook uga codsaday inuu arrintan joojiyo Madaxweynaha Bashar Al Assad oo ay dhashay eedadiis Anisa Makhlouf.

Ganacsade Rami Makhlouf ayaa kamid ahaa ragga ugu awooda badan dalkaasi ayaa hada khatar ku jira, waxaana muuqata in dagaal hoose uu ka dhex curtay Tujaarta udub-dhexaadka u ahayd xukuumada Talada heysa iyo Qoyska reer Asad.

Bashar Al Assad ayaa doonaya inuu helo lacago badan uu isaga bixiyo daynmo la sheegay inuu ku leeyahay Vladimir Putinka xukuma Ruushka.

Dowlada Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa horey cunaqabateyn u saaray Ganacasade Rami Makhlouf oo ay ku eedeeyeen inuu si weyn ugu lug lahaa dagaalka ka socda Siiriya, uuna kamid yahay xubnaha dhaqaalaha badan ku taageeray Bashar Al Assad.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *