Tirada Kiisaska Covid-19 ee Somaliya 24 Saac ee La Soo Dhaafay

Published: May 20, 2020

Wasiirka Caafimaadka i yo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 71 xaaladood oo COVID19 ah, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 1,573 Xaaladood.

Bukaannada cusub oo 52 kamid ah rag yihiin , 19-na haween ayaa kala jooga Jubaland 46, gobalka Banaadir 17, Somaliland 6 iyo Puntiland 2. Laba ruux ayaa cudurka COVID19 ugu geeriyooday Somailand iyo gobalka Banaadir waxaana tirada guud ee geeridu noqotay 61.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in ay xanuunka Karoona ka bogsoodeen 10 qofood taaso oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 188.

Wasiirka Caafimaadka i yo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta ka dhalata, sidoo kale qof kasta oo isku arka astaamaha lagu garto COVID19 uu tago xarumaha caafimaad ee loo qorsheeyay in lagula tacaalo cudurka.

SOMALILAND

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka JSL oo bulshada la wadaagaya warbixintii maalinlaha ahayd ayaa sheegay in hal qof u geeriyooday,  halka laba qof oo cusubna laga helay xannuunka koofidh-19, taas oo tirada guud ee dadka xannuunkaas laga helay ka dhigaysa 131. 

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, waxa uu sheegay in laba qof laga helay koofidh-19, kuwaas oo ku sugan magaalada Hargeysa, waana muwaadiyiin reer Somaliland ah, iyadoo labadaas qofna da’adoodu ay u dhaxayso 30 illaa 40 jir. 

Warbixintan ka soo baxday wasaaradda horumarinta caafimaadka waxa kale oo lagu sheegay in aanay jirin wax dhimasho cusub ah oo ku soo korodhay tiradii hore oo ahayd kow iyo toban qof, iyadoo tirada guud ee xannuunkaas laga baadhayna ay marayso todoba boqol oyo kow iyo labaatan qof.

 Ugu dambayn agaasimaha guud ee wasaaradda horumatrinta caafimadku Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, waxa uu bulshada u soo jeediyay inay qaataan fariimaha ku saabsan dhanka caafimaadka, waxaanu xusay in shaybaadkii qaranku hadda si wanaagsan u shaqaynaayo, kaas oo lagaga maarmay dheecaanadii markii hore wadamada dibadda loo diri jiray, taas oo ay muddo qaadan jirtay soo bixida natiijadu. 

PUNTLAND

Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Puntland ayaa sheegtay in tirada dadka laga helay COVID-19 ee Puntland ay maraysa 163 ruux,

Wasaaradu waxay sheegtay in maanta la baaray 28 Ruux waxaana laga helay virus ka xanuunka 2 qof.2 da qof ee maanta xanuunka laga helay ayaa ahaa Rag, waxayna kala joogaan gobolada Nugaal iyo Bari.

Waxay noqonaysaa maalinti ay ugu yarayd tirada dadka laga helay xanuunka tan markii bilaabay baaritaanka cudurka Guddaha Puntland oo ku beegmayd 26 March.

Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay Puntland ayaa hada ay 163 qof, waxaa dhintay 5 qof halka bogsashasa la diiwan geliyey ay tahay 8 qof.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *