UN-ta oo bogaadisay dadaalka wadamada AFRIKA uga hortageen Covid-19

Published: May 20, 2020

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa soo dhaweeyey tilaabooyinka ay qaadeen dalalka Qaarada Afrika ee ka hortagida Fayruska Covid-19, isagoo sheegay in ay tilaabooyinkaasi hoos u dhigtay tirada dadka u jiifa cudurkan.

As COVID-19 spreads across the continent, Africa has responded swiftly to the pandemic, and as of now reported cases are lower than feared.  Even so, much hangs in the balance. 

Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in illaa iyo hada in dad gaaraya 2.500 qof cudurkan ugu dhinteen Qaarada Afrika, walow ay Qaramada Midoobay ka digtay in wadamada Afrika ay soo foodsaari karto dhaqaale xumo iyo cunto yaraan.

Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in la dardar geliyo taageerada lasiinayo dalalka Afrika, isagoo sheegay in ay muhiim tahay in sare loo qaado tayada adeega caafimaad.

Antonio Guterres ayaa sidoo kale sheegay in hadii la helo Daawada ama Talaalka cudurkan loo baahan yahay in si siman loogu qeybiyo wadamada Afrika oo aan lagu xirin lacago badan.

Baaqa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa kamid ahaa in wax laga qabto dhaqaale-burburka uu cudurkan ku keeni karo ganacsiga dalalka Afrika, loona baahan yahay in dhaqaale lagu bixiyo sidii looga hortagi lahaa gaajo iyo macaluul saameysa dadka saboolka ah ee Qaarada ku dhaqan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *