Amaro La Duldhigay Guddiga Wadajirka ee Loo Xilsaaray Dhamaystirka Habraacyada Doorashada

Published: May 21, 2020

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa amar ku siiyay Guddiga wadajirka ee labada aqal ee Barlamaanka ee loo xilsaaray dhameystirka habraacyada doorashada in muddo toddobaad ah ay shaqooyinka ku soo dhamaystiraan m

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in dalka uu doorashooyin galayo.Guddoomiyaha golaha Aqalka sare, mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa dhankiisa amaanay guddigan shaqadii ay soo qabteen.

Guddiga ayaa oo warbixin siiyay Barlamaanka ayaa sheegay in shaqadii loo igmaday inta ugu badan ay u qabsoontay inta kalena gacanta ku hayaan dhowaana dhankooda ka soo wareeji doonto.

Guddoomiyaha guddigaas, Xildhibaan, Ibraahim Isaaq Yaraw, oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa sheegay  in qabyo qoraalkii u dambeeyay hadda ay gacanta ku hayaan isla markaana dhowaan guddoonka ku soo wareejin doonaan hab-raacyo dhameystira sharciga doorashooyinka qaranka.

Guddigan Wadajirka ayaa guddoonka baarlamaanka waxaa ay u xil saareen in ay soo dhiraandhiriyaan hab-raacyo affar ah oo uu tilmaamayo sharciga doorashooyinka         Qaranka sida; Koontada haweenka ee baarlamaanka, sida deegaanada loo qeybinayo kuraasta xubnaha baarlamaanka, waxa laga yeelayo magaalada Muqdisho iyo sida loo dooran doono xubnaha baarlamaanka ee ka soo jeeda gobolada Waqooyi ama Soomaaliland.

Sida uu qorshuhu yahay 27 bishan Maajo, waxaa baarlamanka hor imaan doono guddigga doorashooyinka Qaran si ay u soo bandhigaan nooca doorasho ee dalka galayo iyo qaabka loo qaban doono.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *