Madaxweyne Deni Iska Diiwaan Geliyay Urur Siyaasadeed uu horey u sameeyey

Published: May 21, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah isaga diiwaangeliyey urur Siyaasadeedka Kaah oo uu horey u asaasey.

Madaxweynaha ayaa xarunta ururka waxaa kusoo dhoweeyay Guddoonka Ku meel gaarka ah ee Ururka iyo Xubnaha Ururka qaar ka mid ah, Wuxuuna kadib u gudbey qeybta diiwaangelinta, halkaasi oo uu Madaxweynuhu si rasmi ah isu diiwaangeliyay maanta xubinimada Urur Siyaasadeedka Kaah.

Hirgelinta nidaamka xisbiyada badan ee Puntland waxaa uu ka mid ahaa qorsheyaasha Iyo Siyaasadda Madaxweyne Deni, waxaana ay dowladdu muddo 7bilood ah kusoo dhistay Guddiga Doorashooyinka Ku meel gaarka ah oo wakhti yar shaqooyin muuqda ku qabtay, Iyadoo ay is diiwaangeliyeen 17 urur siyaasadeed.

https://www.facebook.com/horseedmedia/videos/253918582513103/

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *