Maxkmada Sare ee Puntland oo Ga’aan Ka Gaartay Kiis Kufsi ah

Published: May 21, 2020

Maxkamada sare ee Puntland ayaa maanta waxay go’aan ka gaartay kiis kufsi ah oo loo gaystay gabar yar bishii saddexaad ee Sanadkii hore ee 2019ka.

Dhagaysiga kiiska kufsiga ah ee loo haysto saddex nin ayaa ka dhacay xabsiga weyne ee Magaaladda Garoowe. Maxkamada ayaa burisay xukun ay hore u riday maxkamada rafcaanka ee gobolka Nugaal sida uu sheegay ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xareed.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay in maxkamadu ayan ku qancin xukunkii hore ay ugu riday saddex nin ee loo haysto inay kufsadeen Najo Cabdiqaadir oo markii dambe u geeryootay kufsiga loo gaystay.

Maxakamada Sare ayaa markii ay dhagaystay doodaha qareenacada labada dhinac waxay riday xukun waxaana go’aanka maxkamada ku dhawaaqay Garsoore Cabdiqani diiriye Cawl

“Maxkamadu waxay xukuntay magtii marxuumada Najmo cabdulqaadi Xasan oo ah 50 Geel ah, waxayna ku xukuntay xukmanayaasha kale ah Jaamac Maxamed Ibraahim, C/xakiim Maxamed Cabdiraxmaan iyo maxamed C/risaaq xasan 5 sanno ah oo xariga ah” ayaa yiri garsoore cabdiqani

Maxkamadu waxay xukuntay saddex Nin inay bixiyaan lacag dhan 20 Kun oo dollar ah oo ah kharashkii maxkamadaha, qareenada iyo Kufsigii ay gabadha geeriyootay u gaysteen.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *