Tirada Kiisas COVID-19 ee Caalamka oo kor u dhaafay Shan Milyan oo Qof

Published: May 21, 2020

Jaamacadda Johns Hopkins, oo uruurisa xogta COVID-19 ayaa sheegtay in tirada dadka qaba ee Coronavirus ay gaartay 5 milyan oo ruux guud ahaan caalamka, sidoo kale 328,000 oo ruux ayaa u dhimatay xanuunkan. Iyadoo ku dhowaad 1.9 milyan oo qof ay ka bogsoodeen.

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ee WHO ayaa xaqiijisay in 106,000 oo kiisa guud ahaan caalamka laga diiwaan geliyay waana tiradii ugu badneyd oo maalin la soo wariyo, taas oo walaac hor leh abuureysa maadaama COVID-19 uu ku faafayo dalalka saboolka ah.

Dalka Maraykanka ayaa ugu horreeyay tirada dadka qaba covid-19 , iyadoo tirada dadka qaba ayaa kor u dhaafeen Hal Milyan iyo shan boqol oo kun qof, tirada dhimashada ayaa hadda maraysa 94 Kun qof. Wadamada Ruushka, Spain, Talyaaniga, Baraasiil iyo Ingiriiska ayaa tiro dad oo aad u badan ay cudurka qaadeen.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *