Wasiirka Cadaalada: Qof kastaa Gurigiisa Ha Ku Tukado Salaada Ciida

Published: May 21, 2020

Wasiirka Cadaalada iyo arrimaha diinta ee dowladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay in xukuumadda Puntland ay gebi ahaanba joojisay in masaajidada iyo goobaha fagaaraha lagu tukado Salaada Ciida.

Wuxuu sheegay in salaadihii jaamacada la joojiyay oo laga rabo qofkasta inuu gurigiisa ku tukado salaada Ciida

Wasiirku wuxuu sheegay in go’aanka ay qaateen uu la xiriiro sidii loo yarayn lahaa ama looga hortegi lahaa faafitaanka Xanuunka Covid-19 oo dad badan ku dhacay.

Dhinaca kale, Wasiirku wuxuu sheegay in xukuumadu ay go’aamisay in dib loo furo dugsiyada lagu barto quraanka Kariimka maalmaha ciida Kadib.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *