Xildhibaan Ka Tirsan Barlamaanka Federaalka Oo Ku Biiray Ururka Kaah.

Published: May 21, 2020

Urur Siyaasadeedka KAAH ee Puntland ayaa shaaciyay inuu ku soo biiray xildhibaan ka tirsan gollaha barlamaanka ee dowladda federaalka Somaliya.

Wasiirka Duulista hawda iyo Garoomada Puntland, iIlyaas Cismaan Lugatoor ayaa xildhibaanka ku soo dhaweeyay xarunta ururka ee Magaaladda Garowoe iyo ka mid noqoshada xisbiga Xukuumadda Puntland ay samaysatay

Xildhibaan Maxamed Abdikafi Maxamed wuxuu ka mid ahaa xildhibaanada heer Federal ee laga soo doortay magaaladda Garoowe Sanadkii 2016kii, iyadoo sanadka dhammaadkiisa ay ku egtahay xiligii loo doortay xildhibaanimada.

Xildhibaan Maxamed Abdikafi Maxamed

Sidoo kale, wuxuu noqonayaa xildhibaankii u horreeyay ee heer federaal ah ee ku biira urur siyaasadeed heer Maamul goboleed ah.

HORSEEDMEDIA


Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *