Baakistan: Diyaarad Siday Dad Ka badan 100 Qof oo Ku Burburtay Karachi

Published: May 22, 2020

Diyaarad rakaab ah oo sida dad ka badan 100 qof ayaa ku burburtay Magaaladda Karaachi ee Koonfurta wadanka Baakistaan maanta oo jimce ah sida ay sheegtay Hay’adda Sadaasha hawada ee wadankaasi.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa A320 ayaa ka timid magaaladda laahoor, waxaana saarnaa 99 qof oo rakaab ah iyo sideed shaqaalaha diyaarada, diyaarada ayaa ku burburtay xaafad ka mid ah magaaladda Karaashi.

Muuqaalo ay baahiyeen telefishanadu ayaa la arkay Qiic iyo uuro madow oo ka soo baxaysa Xaafad ay ku dhacday diyaaradu. Ilaa hadda lama oga tirada dadka joogay dhulka ee u geeriyooday diyaarad ku soo dhacday guryahooda.

Ciidamada Milateriga Baakistaan oo wata diyaaradaha Helikobterka ayaa laga howlgaliyay halka ay ku dhacday diyaaradu , waxaana ay bilaabeen inay u gurmadaan dadka dhibku soo gaadhay iyo qiimaynta lagu samaynayo khasaaraha ka dhashay burburka diyaarada.

Karachi ayaa ah magaaladda ugu weyn wadanka Bakistaan, waxaana lagu qiyaaso dadka ku nool inay ka badan yihiin 20 Milyan oo qof

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *