Golaha Amaanka oo Madaxweynaha Soomaaliya baaq u direy.

Published: May 22, 2020

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kulan ka yeeshey xaaladda Soomaaliya, kulanka ayaa la isticmaaley VTC ama Fiidyow Konfrense. Shirka waxaa guddoominaayey Wakiilaka Qaramada Midoobey u fadhiya dalka Estooniya Sven Jürgenson, waxaana ka soo wada muuqdey dhamaan 15 ka dal ee Golaha Mmaanka ee Qaramada Midoobey uu ka kooban yahay.

Ujeedka ugu weyn ee kulanka ayaa ahaa in Golaha Amaanku dhegeysto warbixino ku saabsan Soomaaliya iyo sidii wakhtiga loogu cusbooneysiin lahaa halwgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

James Swan

Ugu horreyn waxaa shirka warbixin dheer siiyey Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan, iyo madaxa hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya Francisco Caetano Jose Madeira.

James Swan ayaa si faah-faahsan uga hadley xaaladda Soomaaliya ay wajahayso xiligan xasaaiga ah, waxaana uu sheegay in COVID-19 uu Soomaaliya ka dilaacay, kiisaska ilaa hadda la xaqiijiyey ay gaarayaan 1500 laakiin la aminsan yahay in ay aad uga badan yihiin, Dowladda federaalka iyo weliba Dowlad goboleedyada ayuu ku amaaney sida ay ugu dedaalayaan in ay u xakameeyaan COVID-19. Cudurkan ayuu sheegay in uu saameyn dhaqaale dalka ku reebey, iyada oo markii hore 5 milyan oo qof ay u baahnaayeen gargaar bini’aadanimo.

James Swan ayaa sidoo kale ka hadley fatahaadaha, dalka ka dhashey, weerarada al-shabaab ay sii wadaan oo ay tixgelin waayeen baaqyada caalamiga ah kadib cudurka coronavirus ee la rabey in xabbad joojin la sameeyo iyo dhibaatada ka taagan Ayax aan waxba reebeyn, kadib roobabkii guga.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxa si faahfaahsan uga hadley doorashooyinka 2020/2021, waxa uu sheegay in Soomaalya u diyaar garoobeyso markii u horeysey tan iyo sanadkii 1969 doorasho dimoqraadi ah, daah furan, loowada dhan yahay, laakiin waxa uu wel-wel ka muujiyey qaabka loogu diyaar garoobey iyo in Dowladda federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah aysan arrintan weli kawada shaqeyneyn.

SOO JEEDINTA GOLAHA AMAANKA

Xubnaha golaha amaanka ayaa soo dhaweeyey warbixinada ay siiyeen u qaybsanyaasha arrimaha Soomaaliya. Dalalka sida xasaasiga ah uga hadley arrimaha Soomaaliya waxaa kamid ahaa faransiiska, jarmalka, Biljimka, Maraykanka iyo Ingriiska. Dhamaan dalalkii hadley ayaa si weyn ugu canaantey Dowladda federaalka ah in aysan qaadin masuuliyadda sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Dowlad goboleedyada. Golaha ayaa sheegay in Dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah ay wada shaqeeyaan ay fure u tahay doorashada la filaayo in ay dalka ka dhacdo ayey ku nuux-nuuxsadeen. Ergayga dalka Faransiiska ayaa sheegay in doorashada wakhtigeeda la qabto oo COVID-19 aanu noqon karin marmarsiiyo, sidoo kale waxa uu ka digey in dib loogu laabto nidaamkii qabaliga ahaa ee 2016.

Xubnaha Golaha Amaanka ayaa isku raacey, in laga doonayo Madaxweyne Farmaajo uu qaato hoggaaminta iyo masuuliyadda, wada hadal deg-deg ah la furo Dowlad goboleedyada, oo uu qabto shirkii Golaha Amniga Qaranka ee ay ku mideysan yihiin Dowladda federaalka iyo Dowlad goboleedyadu sidoo kale laga heshiiyo doorashooyinka dhamaadka sanadkan iyo bilowga sanadka 2021, loo midoobo cadowga keliya ee al-Shabaab, sidoo kale waxay ka digeen in aan ciidamada dowladda loo dhisey loo isticmaalin arrimo siyaasadeed ee lagu jiheeyo sidii al-Shabaab looga adkaan lahaa.

Dhanka kale Golaha Amaanka ayaa sheegay in Soomaaliya ay weli u baahan tahay in laga taageero dhanka amaanka, laakiin la doonaayo in ay la timaado qorshaha amniga qaranka (National Security plan) ee ay kula wareegayaan amniga dalka sanadka 2021, waxaana qaarkood muujiyeen in ay muhim tahay in mudada loo cusbooneysiiyo AMISOM.

Shirka waxaa Soomaaliya uga qayb-galay ergayga Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya Denjire Abuukar Baale oo jeediyey khubad ku aadan horumarka Dowladda federaalku ku tallaabsatey.

Waa markii labaad ee Golaha Amaanku ugu baaqo Dowladda federaalku in ay qaadato hoggaaminta iyo masuuliyadda wada shaqeyn dhexmarta iyaga iyo Dowlad goboleedyada.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *