Madaxweynaha Puntland oo isku-shaandheeyay Golihiisa Wasiirada.

Published: May 22, 2020

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabbdilaahi Deni ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeyay Golahiisa Wasiirada, Deni ayaa xilka ka qaaday Wasiirka Kaluumaysigga Faarax Cawaash iyo Wasiirkii Warfaafinta Sabarey. Waxaana lagu bedelay Wasiirka warfaafinta cabdilaahi Tima-Cadde Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha iyo maxamuud Xaaji oo isaggana lagu bedelay Wasiirka Kaluumaysigga.

Isku Shaadheynta Ayaa sidoo kale waxaa xilkooda ku waayay Wasiir ku xigeeno:-

Madaxweynaha Puntland oo Isku shaandheeyay Golihiisa Wasiirada halkaan ka akhriso:-

  1. Waxaa Eng. Cabdullahi Cali Xirsi (Timacade) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo dalxiiska
  2. Waxaa Eng. Maxamuud Xaaji Saalax loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda
  3. Waxaa Cabdi Ibrahim Warsame (Qawdhan) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda
  4. Waxaa Ismaacil Saleeban Geelle loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDRta
  5. Waxaa Axmed Siciid Ismaciil (Qolombe) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Biyaha, Tamarta iyo Macdanta
  6. Waxaa Saynab Ismaciil Maxamed loo magacaabay Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo Isbadalka Cimiladda
  7. Waxaa Maxamed Axmed Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha
  8. Waxaa Maxamed Axmed Ismacil (Deero Dile) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Xirirka Caalamiga ah iyo Horumarinta Dhaqalaha.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *