Wadamada Islaamka oo ku dhawaaqay in beri ay Soon tahay.

Published: May 22, 2020

Inta badan wadamada Islaamka ayaa caawa shaaciyay in beri ay tahay Maalin Soon ah islamarkaan la dhamaystiri doono 30ka Maalmood ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan. Dawladaha Soomaaliya, Qadar, Jabuuti, Sacuud Carabia iyo wadamo kale ayaa faafintooda rasmiga ah ku sheegay in aan weli la arag bishii, taas darteedna ay beri soon tahay.

Sidoo Kale Maalinka Axada ah ayaa lagu wadaa in si isku mid ah looga ciido inta badan dunidda islaamka, sanadkaan ayaana ka duwan kuwii hore, waxaana gebi ahaanba dunidda kala xiray cudurka Covid-19.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *