Madaxweyne Deni Oo Eedaymo Culus u Soo Jeediyay Madaxda Federaalka

Published: May 23, 2020

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo waraysi siiyay telefishanka BBC ayaa waxaa wax laga weydiiyay qaraxyadii lagu dilay guddoomiyayaashii goboladda Mudug iyo Nugaal, Doorashada 2021ka ee federaalka, Xiriirka dowladda federaalka iyo maamulkiisa, Eedo culus oo uu u soo jeediyay dowladda federaalka iyo beesha Caalamka iyo arrimaha ka hortega Coronavirus

Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in tuhun badan ka qabaan in gacmo kale oo aan alshabaab ahayn ay ku jiraan qaraxyadii lagu dilay Guddoomiyayaashi goboladda Mudug iyo Nugaal

” Labo bilood wax ka yar la dilo labo guddoomiye oo Puntland, qorshaha intaa leeg oo alshabaab oo sheegatay ay fuliyaan, runtii baaritaan baanu ku wadnaa tuhun badanina waa nagu jiraan, tuhu badan baanu ka qabnaa in alshabaab iska noqdeen dad la adeegsado oo gacmo kale adeegsadaan sida ay hor u sheegeen jariidado caalamku”

Wuxuu ku eedeeyay dowladda Federaalka iyo madaxdeeda inay wiiqayaan nidaamka federaalka, dowladnimada, islamarkaana ay si toos ah ula xiriirayaan degaamada iyo dad gaar ah halkii ay ka ahayd buu yiri in la xiriiraan maamulka Puntland

” Dowladda federaalku waxay u soo jeesatay inaysan la xiriirin maamulka iyo madaxda Puntland, waxay isku dayaysaa in degaamada iyo dad gaar ah ay sii toos ah ula xiriirto taasi waa mid ka hor imaanaysa nidaamkii dowlad dhiska ee Somaliya ku socotay, maxaa yeelay bulshada inay u adeegno annagaa habeen iyo maalin u taagan, waa maamul 21 sanno jiray oo leh Hay’adda fulinta noocan walba

Madaxweyne waa eedayn Culus wax dadka Somaliyeed ama reer Puntland u sheegi kartid oo taabasho leh oo cadayn leh oo la xiriirta burburitaas ay dowladda dhexe iyo madaxdeedu idiin ku wado ma noo sheegi kartaa

wuxuu ku jawaabay” Diyaar uma ihi inaan tafaasiil halkan uga waramo”

Suxufi ayaa ku celiyay ” Waayo Madaxweyne

Madaxweynaha ” Waqtigeeda iyo madasheeda ayaan uga hadli doonaa

Madaxweynaha oo wax laga waydiiyay mowqifkooda ku saabsan doorashada Federaalka waxaa uu sheegay inuu rajaynayo in doorashadu ay ku dhacwo waqtigeeda. Waxaa uu sheegay in Puntland aysan si gaar ah u doonayn nooc doorasho oo dalka dhacda balse ay doonayso in laga wada hadlo doorashada iyo qaabka ay u dhacayso

https://www.facebook.com/horseedmedia/videos/1627845094044955/

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *