117 Muwaadiniin Somaliyeed oo Ku Xayirnaa Baakistaan oo Dib Loo Soo Celiyay

Published: May 24, 2020

Dowladda federaalka ee Somaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 117 Muwaadin oo ku xayirnaa wadanka Baakistaan cudurka Coronavirus awgiis.

Safiirka Somaliya u fadhiya wadanka Bakistaan Khadiijo Maxamed Almakhsuumi ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda facebooga waxay ku sheegtay inay muwaadiiniinta ay soo celiyeen ay u badan yihiin arday wax ka baranayso wadankaasi.

Waxaan dhawaan dalka dib ugu soo laabtay muwaadiniin Somaliyeed oo ku xayirnaa wadanka kenya. waxaa kaloo jira muwaadin kale oo Somaliyeed oo ku xayiran wadamo kale oo caalamka ah dhibaatada ka dhalatay cudurka coronavirus oo hakiyay duulimaadyadii isaga kala kooshi jiray wadamada Caalamka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *