Madaxweynaha ku xigeenka Puntland oo xaqiijiyay jiritaanka khilaafka isagga iyo Madaxweynaha Puntland.

Published: May 24, 2020

Axmed Cilmi Cismaan Karaash Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa markii ugu horeysay faahfaahiyay khilaafka ka dhaxeeya isagga iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilaahi Deni, Karaash ayaa Deni ku eedeeyay in uu jebiyay Dastuurka isla markaan uusan gebi ahaanba kala tashan wixii magacaabis ah ee la samaynayo.

Karaash waxa uu meesha ka saaray in madaxweynuhu uusan kala tashan magacaabistii ugu danbaysay ”Adeer ma dhicin, marxalad aan ka wada-tashanona maba-jirto, xaalkayaga war maw haysaa ayaamahaan xoogaga ma maqlaysay, odayaashii way is khilaafkeen, khilaafkaas waa jiray khilaafkii anagoo aan ka wada-hadlin oo isaga imaan oon dawayn miyaan wada-tashan karnaa”

Karaash waxa uu sheegay in ay jiraan waxyaabo badan oo uu diidan-yahay, ayna jiraan waxyaabo ay ahayd inay wada-maamulaan balse aan dhicin, dhanka kale waxa uu xusay in labadooda lawada-doortay si ay dalka u wada maamulaan sidoo kalena wada-tashadaan.

‘Iyadda Qura maahee, waxyaabaho ka horeeyay ayaa jira, oo aan doonayay in arinkaan uu banaanka usoo baxo maadama madaxweynuhu ka waantoobi waayay waxaas socday sanad iyo barka” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash.

Waraysigaan oo uu siisay Laanta Afka Soomaaligga ah ee BBC waxa uu karaash sheegay in dhaw jeer ay madaxweynaha wada-hadleen si khilaafka loo dhameeyo balse uu madaxweynuhu sheegay in isagga dalka loo doortay.

Khilaafka madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilaahi Deni iyo ku xigeenkiisa ayaa khilaafka u dhaxeya maalmihii lasoo dhaafay waxa uu ahaa mid sii kordhaya, arinkaas ayaana banaanka yimi ka dib markii madaxweynuhu magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka Madaxtooyadda Puntland.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *