Alshabaab oo Weerartay xero lagu tababarayo ciidamo ka tirsan Jubaland.

Published: May 25, 2020

Sida ay Horseed Media u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah Ururka Alshabaab ayaa weerar gaadmo ah xalay ku qaaday xero ciidan oo ku taal Magaalada Dhoobley halkaas oo uu tababar uga socday ciidamo ka tirsan Jubaland.

Dagaalka oo saacado kooban socday ayaa laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana lagu guuleystay in dib loo riixo kooxdii soo weerartay goobta sida ay dadka deegaanku sheegeen.

Weli ma cadda khasaaraha dhabta ah ee weerarkaas ka dhashay, Maamulka Jubland iyo kan dhoobleyna si faahfaahsan ugama aysan hadlin, balse ciidamo gurmad ah ayaa la xaqiijiyay in ay halkaas gaareen.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *