Madaxda Sare ee Puntland oo Ka Tacsiyaysan Geerida Wasiirkii Degaanka

Published: May 25, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca Dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa tacsiyaynayaa Geerida Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo goordhoweyd caabuqa covid-19 ugu geeriyooday Muqdisho.

Alle ha u naxariistee Wasiir Gama’diid wuxuu ka mid ahaa aqoonyahanada Puntland, hadana ka mid ahaa xubnaha Golaha Wasiirada oo runtii shaqo wanaagsan u hayey dalka iyo dadka sidaas waxaa yiri madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi deni

https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/posts/920976054982582

“Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa Goleyaasha Dowladda gaar ahaan golaha xukuumadda, shacabka Puntland,eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay marxuum Wasiir Ismaaciil Diiriye Gama’diid, waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba”

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlada Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa dhiniciisa uga tacsiyeeyey guud ahaan shacabka Puntland gaar ahaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday wasiirkii wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka Cimilada Puntland Marxuum Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

https://www.facebook.com/ovppuntland/posts/116718140048215

“Waxaan uga tacsiyaynayaa guud ahaan shacabka Puntland gaar ahaan qoyskii iyo iyo eheladii uu ka geeriday Marxuum Ismaaciil Diiriye Gama’diid Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka Cimilada”.

Sidoo kale Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebooga wuxuu uga tacsiyeeyay shacabka iyo Ehelka iyo Qaraabada uu ka geeriyooday Wasiirka degaanka Puntland.

https://www.facebook.com/abwaanabdirashid.jibril/posts/10157078252577461

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *