Madaxweynaha Puntland oo ku eedeyay DFS in ay hurinayso colaado ka dhaca Somaliland.

Published: May 25, 2020

Saciid Cabdilaahi Deni Madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyay Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay hurinayso colaado ka dhaca gudaha Somaliland, waxa uu sheegay in dawladu ay arimo hoos ka waddo kuwaas oo dagaal horseedi kara.

‘Somaliland waa maamul, waxaan ognahay intay gacan-dhaafto in ay la xiriirayso qabiilada, dadkii ay dawlada ka horkeenayo, waxyaabo badan oo noocaas ahna ay samaynayso, heshiisyo mararka qaarkood aaan suuragala ahyn ummaduna isku afgaran ay rabto inay wax uga bedelato markay cadaadis saarto, waxyaabahaas oo dhan waa waxyaabo aan u wanaagsan wada-noolashaha iyo deganaashaha dadka walalaaha ah ee aan sinaba u kala maarmi karin” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland ma sheegin, beelaha ay sida hoose Dowladda federaalku ula xiriireyso, sidoo kale ma sheegin deegaanada gaarka ah ee ay farogelinta ku hayso.

Dowladda federaalka ayaa deeq daawooyin ah u dirrey magaalooyinka Buuhoodle iyo Badhan oo ka tirsan Puntland, laakiin Somaliland sheegato in ay Somaliland yihiin.

Somaliland ayaa Dowladda federaalka ku eedeysey in ay diyaarado ka dejisey degmooyin ka mid ah Somaliland.

Horseed Media.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *