Puntland: Xubno Uu ku Jiro Dirawalkii Madaxa Daacish ee Somaliya oo la Qabtay

Published: May 25, 2020

Taliska ciidamada booliiska qaybtiisa gobolka Bari ayaa xaqiijisay inay gacanta ku dhigeen maleeshiyaad ka tirsan ururka Daacish kadib howlgal ay sameeyeen 48dii Saac ee la soo dhaafay.

Taliyaha qaybta booliiska Gobolka bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud wuxuu sheegay in ciidamadu ay howlgalka Ka Sameeyeen Degaano iyo Dagmooyin Ka Tirsan Gobalka Bari oo ay ka mid tahay Iskushuban, Toga Jaceyl, Togga canjeel Iyo Dooxa Gabin Halkaas Oo Ay Ciidmada Ka Soo Qabteen Dagaal Yahano Ka Tirsan Daacish .

Taliyuhu Wuxuu sheegay inay sidoo kale ay gacanta ku dhigeen hubkii iyo gaadiidkii ay wateen maleeshiyadka ay qabteen, waxaa kaloo uu sheegay Xubnaha la soo qabqabtay lagu hayo Laamaha amniga ee magaaladda Bosaso

Xubnaha daacish ee la qabqabtay ayaa waxaa ku jira Dirawalkii Hoggaamiyaha kooxda Xagjirka ee daacish Sheekh Cabdulqaadir Muumin sida ay Horseedmedia u sheegay Saraakiil ka tirsan Ciidanka amniga Puntland

Taliyuhu ma uu sheegin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo howlgalkaasi sababay sidoo kale ma sheegin tirada xubnaha maleeshiyaadka ay soo qabqabteen,

https://www.facebook.com/TaliskaQeybtaBooliiska/videos/279478533440089/

Dhinaca kale, Taliyihii hore ee Saldhiga bartamaha Booliiska Magaaladda Bosaso Yusuf Axmed Ciise ayaa xalay ka badbaaday isku dil oo lagu doonayay in lagu khaarajiyo degmada Carmo ee Gobolka Bari. Nin ka tirsan ururka Daacish ayaa loo qabtay inuu isku dayay inuu dilo taliyaha

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *