Weerar Bam Gacmeed ah oo lala eegtay goob shacab isugu yimaado oo ku taal Baydhabo.

Published: May 25, 2020

Weerar bam gacmeed ah ayaa lala eegtay goob ku taal duleedka Baydahbo oo lagu magacaabo Ban Qayaamo taas oo inta badan ay isugu yimaadaan dhalinyarada si ay halkaas uga fiirsadaan ciyaaraha, sidoo akle waxaa goobta lagu soo bandhigaa ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka.

Weerarkaan ayaa sababay dhimasho sadex caruur ah, sida ay xaqiijiyeen laamaha Amaanka, sidoo kale dad goobta ku sugnaa ayaa waxaa kasoo gaaray dhaawacyo kala duwan, ciidamada Amaanka oo halkaas tagay ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano la xiriira cidii weerarkaan ka danbaysay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *