Gobolka Banaadir oo Ka Hadlay Shaqaaqo ka Dhacday Dayniile

Published: May 26, 2020

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa mantaa ku baxay xalinta shaqaaqo dagaal oo ka dhacday Xaafada Cara-Guduud ee degmada Deyniile.


Shaqaaqadaas oo dagaal fool foolka ah isku badashay waxay u dhexeysey Ciidamada amniga ee Degmada Deyniile iyo dabley hubeysan oo ay Maamulka degmadu ku sheegeen in ay dhul-boob samayeen


Duqa Magaalada Muqdisho oo ay wehliyaan ku-xigeenadiisa ayaa kormeeray goobta uu ka dhacay dagaalka, waxa uuna sheegay in si deg deg ah loola xisaabtami doono cidkasta oo ku xad gudubta sharciga.

Wararku waxay sheegayaan in dagaalkan ay ku dhinteen saddex qof oo ka tirsan labada dhinac ee dagaalamay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *