Italy: Lixdan Kun oo Qof oo Shaqo ku Helay La Dagaalanka Covid-19

Published: May 26, 2020

Si looga hortego in mar kale uu cudurka Covid-19 Faafo ayaa dowladda Talyaanigu waxay ku dhawaaqday inay howlgaliso Lixdan Kun oo isxilqaamayaal ah oo ka caawiya dadka inay raacaan oo u hoggaamsamaan amarada dowladda

isxilqamayaashan ayaa si dabacsan dadka ugu sheegaya inay raacaan oo ixtiraaamaan talaabooyinka ay ka mid tahay inay kala fogaadaan oo ay xirtaan marada sanka iyo afka lagu daboolo ( Mask)

Go’aankan ayaa imaanaya iyadoo Boqolaal kun oo qof loo fasaxay inay tagaan baararka iyo xeebaha dalkaasi si ay ugu qaataan waqtigooda kadid markii muddo labo bilood ah lagu xayiray guryahooda cudurka Covid-19 awgiis

Wasaarada arrimaha goboladda iyo dowladaha ayaa si wadajir ah uga shaqaynaya Qorshahan oo loogu talagalay in lagu shaqaalaysiiyo dhalinyarada bilaa shaqada ah, dadka la shaqaalaysiiyay awood uma leh inay ganaaxaan dadka ku xadgudba talaabooyinka ka hortega covid-19

Dowladda Talyaaniga ayaa ka walaacsan in cudurka Covid-19 uu soo laba kacleeyo oo mark kale dib u faafo madaama dib loo furay ganacsigii iyo isu socodkii dadka ee Talyaaniga.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *