Jubaland oo sheegtay in dacwad ay ka gudbinayso Wakiilka Midawga Afrika ee Soomaaliya.

Published: May 26, 2020

Jubaland ayaa sheegtay in ay dacwad rasmi ah ka gudbinayso Madaxa Midawga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna masuulka u sareeya ee Ciidamada Amisom Amb.Francisco Madeira, Jubaland ayaa ku eedaysan in uu lumiyay dhexdhexaadnimadii lagu yaqaan xafiiska uu hogaamiyo.

Madeire ayaa khudbad uu ka jeediyay golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu ku sheegay in Jubaland aysan ka dhicin wax dib-u-heshiisiin ah balse ay Nairobi ku shireen dad isku qoys ah oo hal beel kasoo jeedda.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Jubaland waxaa lagu caddeeyay  in Francisco uusan dhex-dhexaad ka noqon karin Arrimaha Soomaaliya isla markaana faragelin uu ku sameeyay siyaasadda dalka taasin ay ka hor imaanayso shaqada uu hayo.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *