Sheekh Shariif ” Gudoonka Barlamaanku wuxuu ku xad-gudbay Dastuurka”

Published: May 26, 2020

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, haatana hogaamiya xisbigga Himilo Qaran ayaa war-qoraal ah oo uu baahiyay waxa uu gudoonka Baarlamanka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay jabiyeen Dastuurka Dalka, ka dib markii ay mudo bil ah dib u dhigeen hadal jeedintii Gudoomiyaha Gudigga Doorashooyinka Puntland.

Sheekh Shariif waxa uu sheegay in la waddo qorshe dib loogu dhigayo doorashada Qaran ee waqtigeedo dhaw yahay “Waxaan ka digeynaa isku day walba oo dib loogu dhigayo doorashada qaranka, iyo kordhinta muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah iyo madaxda qaranka” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif waxa uu sheegay in Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku fashilan-tay qabashada doorashada hal qof iyo hal cod ah. “Dowladan waxa ay ku fashilantay waajibaadkii loo doortay oo ay ugu horeyso doorashada qof iyo cod,Wixii ka dhasha isku day waqtiga lagu kororsanayo waxaa dusha u ridan doona madaxda dowlada.”ayuu sii raaciyay hadalkiisa Sheekh Shariif.

Horseed Media 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *