Wakiilka EU ee Soomaaliya oo walaac ka muujiyey dib u dhac doorashada Soomaaliya

Published: May 26, 2020

Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyey in doorashada Soomaaliya dib u dhacdo oo aysan wakhtigeedi ku dhicin.

Waxaa lagu wadey maalinta berri ah ee Arbacada kuna beegan 27 May 2020 in guddiga madaxa banaan ee doorashooyinku hortagaan Baarlamaanka, si loo dedejiyo arrimaha la xiriira doorashada, guddiga loo qabtey dhamsaystirka hanaanka doorashada u sooo bandhigo shaqadii ay soo qabteen. Haddaba waxaa welwel ka muujiyey dib u dhacaas Midowga Yurub oo Soomaaliya ka taageera arrimaha doorashada.

Nicolas Berlanga denjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya ayaa bartiisa twitterka ku qoray “Midowga Yurub waxa uu walaac ka muujinayaa suurtagalnimada, natiijada ka dhalan karta in Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinku ay ka soo hor muuqan waayaan baarlamaanka Mudadii horey loogu cayimay in doorashadu qabsoomi weydo wakhtigeedi.

Maalmihii u danbeeyey waxaa shirar u socdey Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo labada guddoomiye ee Aqalka Golaha Shacabka iyo Aqalka sare, waxaana la sheegayaa in ay ka arrinsanayeen furitaanka kalfadhiga Baarlmaanka, saameynta xaaladda Koroona fayras.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *