Madaxweynaha Puntland oo dhaariyey Wasiiradii uu dhawaan magacaabey

Published: May 26, 2020

Waxaa aqalka Madaxtooyadda Puntland lagu dhaariyay golaha wasiirada cusub ee Puntland kaas oo dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilaahi Deni, Wasiirada waxaa ka mid ahaa Wasiirka cusub ee Warfaafinta Puntland Cabdilaahi Tima-cadde oo laba jeer xilal wasiirnimo kasoo qabtay Puntland.

Madaxweyne Deni oo ka hadlay munaasabadda dhaarinta ayaa Wasiirada cusub kula dardaarmay in ay waajibaadka loo igmaday iyo mas’uuliyadda la saaray ay si wanaagsan u gutaan, isagoo alle uga baryey inuu xilka u fududeeyo mas’uuliyiintan cusub ee dowladda ku soo biiray.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilaahi Deni ayaa sheegay in golihii hore ay ku yimaadeen siyaabo kala duwan maadama doorashada ka dib la dhisay, sidoo kale waxa uu sheegay in wasiiradii hore uu mustaqbal wanaagsan u rajaynayo.

Wasiirada la dhaariyay:-

1- Eng. Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacade) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo dalxiiska.
2- Eng. Maxamuud Xaaji Saalax Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda.
3- Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.
4- Ismaaciil Saleebaan Geelle Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta.
5- Axmed Siciid Ismaaciil (Qolombe) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda BIyaha, Tamarta iyo Macdanta.
6- Saynab Ismaaciil Maxamed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimiladda.
7- Cabdiqani Axmed Ismaaciil ( Deero Dile) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Xiriirka Caalamiga ah iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *