Ruushka oo diyaarado dagaal ku xoojiyey calooshood u shaqeystaasha Libya ka jooga

Published: May 27, 2020

Sida laga soo xiganayo Dowladda Maraykanka, dalka Ruushka ayaa diyaarado dagaal u direy Libya si ay u xoojiyaan ciidamo kor u dhafaya 1000 askeri oo calooshood u shaqeystayaal u badan Ruushan kuwaas oo ka dhnac dagaalama General Khalifa Haftarka ee dagaalka ku haya Dowladda Libya ee Caalamku aqoonsan yahay.

Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa ka duuley dalka Siiriya, si loo qariyo dalka ay ay ka yimaadeen asal ahaan ee Ruushka ah, arrintan ayaa imaanaysa kadib markii dagaaladii u danbeeyey looga adkaadey Gen. Khalifa Haftar.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa diidey in ay wax jawaab iyo faallo ah ka bixiso eedeynta Maraykanku ku eedeeyey in ay sii hurinayaan colaada dalka Libya.

Dowladda Qaramada Midoobey aqoonsatahay ee fadhigeedu yahay Tripoli ayaa guulo waaweyn ka gaartey dagaaladii u danbeeyey ee ay la gashey ciidamada general Haftar, kadib markii ay taageero ka heshey dalka Turkiga.

Shirkad Militari oo ka dhisan dalka Ruushka ayaa u dirtey Libya calooshood u shaqeysatayaal gaaraya 1,200 askeri oo ay ku xoojisay ciidamada uu hogaamiyo Gen.khalif Haftar ee la dagaalamaya dowlada Caalamka aqoonsan yahay ee Liibiya, xogtan ayaa laga helay warbixin ay diyaarisay UN-ta oo si qarsoodi ah loo shaaciyey.

Warbixintan ayaa waxa diyaariyey Guddiga Madax-banaan ee Qaramada Midoobay u saartay kormeerka iyo la socoshada cunaqabateynta saaran dalka Liibiya ayaa ka kooban 57 bog, xogtan oo loo gudbiyey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in askartan laga keenay Ruushka ay si toos ah uga qeyb qaateen dagaalka.

Shirkadan Wagner Group oo la sheego inay ka amar qaadato dowlada Ruushka ayaa horey sidan oo kale ciidamadooda calooshood u shaqeysatayaasha ah uga soo dagaalameen dalalka Siiriya & Ukraine, walow Dowlada Ruushka ay arrintan beeniso mar walba.

Horseed Media Wararka Caalamka

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *