Taariikh Nololeedka Siyaasi Cabdi Cabdile jini Boqor oo ku geeriyooda Magaalada Qardho.

Published: May 27, 2020

Taariikh Nololeedkiisa Marxuum Jini Boqor:-

Taariikh Nololeedka Siyaasi Cabdi Cabdile jini Boqor oo ku geeriyooda Magaalada Qardho.Magaciisa oo Afran waxa uu ahaa Cabdi Cabdule Saciid Maxamuud waxaa lagu naaneysi jiray Jini-Boqor, Magaalada Qardho ayuu ku dhashay sanadkii 1936, dugsigga hoose/dhexe waxa uu ku bartay Qardho, Waxa uu dugsigga sarre kaga baxay Magaalada Xamar, jaamacada waxa uu ku bartay [International law] Qaanuunka caalamigga ah, waxa uu ka baxay Jaamacadihii midawga sufiyeeti gaar ahaan jaamacada keive University sanadkii 1970-1975.

Waxa uu siyaasada ku biiray sanadku markuu ahaa 1958, waxa uu ka mid ah aaasasayaashii iyo dhalinyaradii Hormuudka u ahayd xisbigga Gareet iyo Aasasayaashii xisbigii kale USB. Isagoo siyaasada ku jirra ayuu inqilaabkii dalka dhacay, ka dib waxa uu aaday jaamacad ku taal dalka dibadiisa, soo laabshadiisa ka dib xukunkii milatarigga waa uu ka leexday waxa uuna degay Nairobi, Halkaasna waxa uu ka samaysatay Ganacsi.

1978 waxa uu ka qayb-galay aasaaskii jamhadii SSDF oo la diriraysay dawladiii Maxamed Siyaad barre, SDDF waxa uu ka noqday wasiirkii Maaliyadda, 1985 markii jabhadu burburtay waxa uu kusoo laabtay ganacsigiisii Nairobi.

1991 Markii dawladii dhexe ay burburtay waxa uu ka qayb-galay dhismihii dawladii 1aad ee uu hogaaminayay Cali Mahdi Maxamed waxa uuna ka noqday Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Soomaaliya. Dawladaas ka dib xukuumadii uu dhisay Caydiid { Salbaar } waxa uu iyaddana ka noqday Wasiirka Maaliyada.

1998 markii la aasaasay Puntland dawladii Cabdilaahi Yuusuf Axmed markii uu dhisay golihiisa wasiirada 2000 waxaa laga dhigay Wasiirkii hawlaha guud ee Dawlada Puntland, 2003 waxaa loo magacaabay wasiirkii dib u heshiisiinta dawlada Puntland ee ka shaqaynaysay heshiisiintii Jabhadii GBB iyo Dawlada Puntland.2004 waxa loo doortay Xildhibaan ka tirsan Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya taas oo lagu soo dhisay Eldorat Kenya, waxaana teeram labaad loo doortay xildhibaan, isagoo qayb ka ahaa Dalwdii uu hogaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Mudo ka din Siyaasi Jini-Boqor waxa uu u wareegay Dalka Sweden mudadii danbena halkaas ayaa fariisin u ahayd, waa uuna ka fariistay Siyaasada.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 27-5-2020 waxa uu ku geeriyooday Magaalada Qardho, oo ahaa halkii uu ku dhashay iyadoona logu wado in loogu sameeyo Aas-qaran. Cabdi Cabdille waxa uu ifka uga tegay 4 Caruur. Dadka yaqaan waxay ku sifeeyeen in uu ahaa Nin hadal cad, furfuran, warbaahinta la hadla mawqifkiisana cadeeya, Sidoo kalena isku wadda dad kala aragti duwan.

Horseed Media waxay tacsidda la wadaagaysaa, Ummada Soomaaliyeed iyo Shacabka reer Puntland, si gaar ahan ehelkiis iyo qoyska uu ka tagay Marxuum Cabdi Cabdule Saciid. Ilaahay haw naxarsiisto fadhigiisana fardawsa haka yeelo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Inaa lillaahi wa ina ileyhi raajicuun. Alle ha u dambi dhaafo Adeerkay A. A. Said. Dhamaan beesha cisman Cabdulle ee Cumar Mohammud tacsi u dirayaan eheladii iyo dhamaan qaraabadiisa. Eebo waxaan waxaan uga baryaynaa naxariisa siiyo janada hooy uga dhigo. Aamiin