Golaha Wasiirada oo magacaabey Agaasimaha guud ee hay’adda Istaatistikada iyo ku-xigeenkiisa

Published: May 28, 2020
Sharmaarke Maxamed Faarax oo lo m,agacaabey agaasimaha guud ee hay’adda istaatistikada Qaranka

Golaha Wasiirada ayaa shirkoodi maanta oo khamiis ah isku raacay in Sharmaarke Maxamed Faarax loo magacaabo Agaasimaha Hay’adda Istatistikada Qaranka, sidoo kale waxaa ku-xigeenka hay’adda loo magacaabey Cabdiraxmaan Cumar Daahir.

Sharmaarke Maxamed Faarax ee loo magacaabey Agaasimaha guud ee Hay’adda Istaatistikada Qaranka ayaa hadda ahaa hoggaanka la tliyaha dhaqaalaha ee Raysalwasaaraha iyo Xukuumadda, waxana uu ahaa Isuduwaha tubta dhaqaalaha ee hay’adaha Dowaldda kala shaqeeya isbeddelka dhaqaale ee dalka sida Baanka Adduunka iyo hay’ado kale oo caalami ah. Sharmaarke Maxamed Faarax waxa uu horey ula soo shaqeeyey hay’addaha UNICEF isaga oo ka soo shaqeeyey xafiisyada Soomaaliya, xarunta guud ee New York iyo Waqooyiga Kuuriya, waxaana uu wax ku soo baryey dalka Ingriiska isaga oo hays’a shahaahada Masterka , ee Siyaasadda iyo Maamulka.

Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliya ayaa sharcigeeda wax laga beddelay bishii Feberaayo 2020, labada aqal ee Soomaaliya ayaa meel mariyey sharciga Istaatistikada Qaranka, waxaana saxiixey Madaxweynaha. Hay’addan ayaa laga dhigay hay’ad madaxbanaan, halka ay markii hore hoostegi jirtey Wasaaradda Qorsheynta. Shaqooyinka u waaweyn ee ay qabanayso ayaa ah tirakoobka iyo sahminta Soomaaliya, faafinta rasmiga ah ee dhamaan xisaabaadka iyo dhaqaalaha dalka, waxay xoojineysaa tayeynta macluumaadka dalka isku dubiraddi iyo soosaaridda xogta rasmiga ah ee dhaqaalaha ee ku salaysan GDP dalka.

HORSEED MEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *