Mudaharaad Looga Soo Horjeedo Ururka Kaah oo ka Dhacay Bander Bayla

Published: May 28, 2020

Magaaladda Qadiimiga ah ee Bender Bayla ee gobolka Karkaar waxaa maanta ka dhacay Mudaharaad looga soo horjeedo ururka Siyaasadeedka Kaah ee Puntland.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay Mudaharadayaal u badan dhalinyaro oo socod ku maraya bartamaha magaalada, waxay ku dhawaaqayeen Ereyo ay kaga soo horjeedaan ururka

Ururka Siyaasadeedka Kaah oo uu furtay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa muddooyinkii dambe wuxuu xafiisyo ka furanayay degmooyinka kala duwan ee Puntland. Dad badan ayaa ku dhaliilay ururka in howlahooda iyo xafiisyada ay furanayaan u isticmaalayaan hantida dowladda.

https://www.facebook.com/horseedmedia/videos/544959336170097/

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *