Puntland iyo Galmudug oo isku raacay in laga wada shaqeeyo amniga

Published: May 28, 2020

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Puntaland Maxamed C/Raxmaan Dhabancad iyo Wasiirka Wasaarada Amnuga Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa si wadajir ah  ula hadlay  Warbaahinta   ayaa sheegay In  Maamulada Galmudug Iyo Puntland ay Xoogga Saari doonaan sidii ay Isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka argagixisada iyo ka hortagga cid kasta oo loo arko in ay halis ku tahay amniga Gobalka Mudug .

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland ayaa sheegay  in ay iskaashi buuxa ka wada Sameeyn doonaan labada maamul Xallinta colaadaha iyo la dagaalanka kooxda Al Shabaab.

Wasiirka Wasaarada Amniga Galmudug ayaa isna ka warbixiyay ahmiyada ay nabada iyo amnigu ay u leeyihiim shacabka Gobalka Mudug,wuxuuna dhanka kale xusay in tallaabo laga qaadayo cid kasta oo gacan saar la leh argagiixsada.

Labada dhinac ayaa isku raacay in loo howlgalo joojinta colaadaha iyo falalka argagixisada ee ka jira miyiga iyo deegaanada kale sida Magaalada Gaalkacyo iyo .

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *