Wasiirka Amnigga Galmudug oo shacabka uga diggay in ay lacago baad ah siiyaan Alshabaab.

Published: May 28, 2020

Axmed Macalin Fiqi Wasiirka Amnigga Galmudug ayaa sheegay in dhibaato wayn ay dawladinimada Galmudug ku hayso dadka ganacsatada ah oo lacaga zakawaad ah uu sheegay in ay siinayaan ururka Alshabaab, Fiqi waxa uu sheegay in lacagtaas ay tahay mid baad ah, hadhawna lagu dhibaataynayo isla dadka bixiyay.

Wasiirka Amnigga Galmudug waxa uu sheegay in sidda ay Alshabaab ula diriraan ay dadkaasna ula dagaalami doonaan, sidoo kale waxa uu tilmaamey in ay qorshaynayaan in dhawaan Baarlamanka Glamudug ay horgeyanayaan sharcigga la dagaalanka Argagixisadda.

” Muqdisho kooxahaan waxay dhex-galeen shacabkii, waxayna ka qaataan lacago baad ah, meel kasta waa idinka arkay waxaa aksoo jeeda dhagxaan, dadka shacabka ma aha cid amaankeeda sugaysaa ee waa dadka amsuuliyiinta ah’ ayuu yiri Wasiir Fiqi oo arimaha amnigga ka hadlaya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *