97 xaalado cusub oo COVID-19 oo La Diiwaan Geliyay

Published: May 29, 2020

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 97 xaalado cusub oo COVID-19. Waxaa cudurka ka bogsooday 45 qof, waxaana geeriyooday 5 bukaan.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 69 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay ay rag yihiin halka 28-ka kale ay yihiin haween.

35 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, Somaliland 32, Koonfur Galbeed 22 iyo Puntiland 8 qof.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 1,828 waxaa bogsootay guud ahaan 310 ruux. Halka 72 ruux oo kale ay u geeriyoodeen cudurka.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday mawaadiniinta Soomaaliyeed guud ahaan inay qaataan talooyinka caafimaad iyo wacyi gelinta looga digayo qatarta cudurka, qaybta uga aadanna ay ka qaataan dadaallada ka hor tagga iyo xakeynta Feyruska Karoona.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *