CHILE: Haweenay 111 sano jir ah oo ka bogsatay cudurka Covid-19

Published: May 29, 2020

Haweenaydan oo lagu magacaabo Juana Zúñiga oo jirta 111 sano ayaa noqoneysa qofkii ugu da’aweynaa ee dalka Chile ee kasoo kaca cudurka Covid-19.

Haweenaydan ayaa bishii hore laga helay cudurka kadib markii fayruska Corona ku faafay xarun lagu daryeelo waayeelka oo ay ku nooleyd lixdii sano ee lasoo dhaafay.

Inkastoo cudurkan uu ku dhacay in badan oo kamid ah waayeelka goobtaasi kula noolaa iyo waliba shaqaalaha ka shaqeenaya xarunta lagu daryeelo waayeelka ayey hadana Ms.Juana Zúñiga ku dhicin Qandho walow ay in muddo ah neefta dhib ku ahayd.

Muddo 28 maalmood ah ayaa lagu hayey goob gaar ah.

Haweenaydan ayaa noqoneysa qofkii labaad ee ugu da’a weyn Adduunka oo ka bogsata cudurkan, horey ayey sidan oo kale haweenay u dhalatay wadanka SPAIN oo jirta 113 sano uga bogsatay cudurkan dunnida ku faafay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *