Ciidamada DFS:Wax lug ah ku Lihin dilka Sideeda ruux

Published: May 29, 2020

Ciidamada Milateriga ee dowladda federaalka ayaa sheegay in aysan wax lug ah ku lahayn dil sideed ruux loogu geeystay degaanka gololeey oo hoosyimaado degmada balcad ee Gobolka shabeelaha dhexe.

Taliyaha guutada 3-aad ee qeybta 27-aad Col:Abshir Maxamuud (shitaqeey) ayaa Idaacadda Ciidamadda u sheegay in haatan ay ku jiraan baaritaano ku aadan qaabkii loo soo qaban lahaa raggii ka dambeeyay dhacdadaasi balse wax shaqo ah aysan ku laheyn Ciidanka Xoogga .

Col:Abshir Maxamuud  waxa uu qiray in Ciidanka Xoogga Dalka ay diyaar u yihiin difaaca dadka Soomaaliyeed balse aysan ka suurtoobin in ay falal waxashnimo ah kula kacaan dadkii

Dowladda Federaalka oo Cambaaraysay Falkaas

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareyneysaa falkii argagaxa lahaa ee ka dhacay tuulada Gololey , waxayna sheegtay in falalka noocan oo kale ee lagu xasuuqayo dadka shacabka ah ay ku caan baxeeen kooxaha argagixisada, kuwaasi oo sidoo kale ka shaqeeya iska hor keenista qeybaha kala duwan ee bulshada si ay colaad uga dhex abuuraan.

“Dowladda Soomaaliya waxay xanuunka la qeybsaneynsaa oo ay tacsi u direysaa qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen, waxayna marxuumiinta Alle uga baryaysaa in uu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo.

Warsaxafadeedka ka soo baxay dowladda waxaa lagu sheegay in Dowladdu amartay in baaris dag dag ah lagu sameeyo dhacdadaas.

QM oo Walaac Ka Muujisay Dilka Shaqaalaha Caafimaadka

Ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, ahna Iskuduwaha Arimaha Baniaadanimo ee Soomaaliya Mr. Adam Abdelmoula ayaa muujiyay sida uu uga walaacsan yahay falalka isugu jiray afduubka iyo dilkii loo geystay todoba qof oo shaqaala caafimaad ah iyo qof kaloo rayid ah oo ku sugnaa xarun caafimaad oo ku tiillay tuulada Gololey ee Gobolka Sh/Dhexe.

Mr. Adam Abdelmoula ,waxa uu xusay in aan la aqbali Karin dilka shaqaalahaasi,isla markaana ay tahay mid xadgudub ah oo dhan ka ah sharciga caalamiga ee arimaha biniaadanimada iyo habdhaqanka caadiga ah.

“Waa nasiib daro in weerarkaan uu dhaco xilli Soomaaliya ay la tacaaleyso dhibaatooyinka sadexda ah ee safmarka COVID-19, fataahaadaha iyo masiibooyinka kale ee uu la yimid ayax”ayuu yiri Ku xigeenka .

Ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, ahna Iskuduwaha Arimaha Baniaadanimo ee Soomaaliya Mr. Adam Abdelmoul ,Waxa uu tacsi u diray  qoysaska dadka la dilay,isagoo dhinaca kalana cambaareyay falkaasi arxan darida ah ee lagula kacay shaqaalahaasi caafimaad.

Maydadka 8 dhalinyaro ah lagu arkay duleedka deegaanka Gololeey kuwaas oo laga qafaashay isla degaanka deegaanka. Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay inay ka dambeeyeen dilka iyo afduubka lagu kacay dhalinyaradaasi

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *