golis

Madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisu Ma Dastuur iyo Sharciga Ayey Isku Hayaan? -FAALLO

HORDHAC

Asaaskii Puntland waxaa ka soo wareegtey 22 sano waa tiro ka badan wakhti guul, guuldarro, horumar iyo dib u dhac intaba lagu qiimeyn karo, waxaase ayaan darro ah 22 sano kadib in ay mararka qaarkood Puntland noqoto sida cajilad ama giraan iska daba wareegta, halkii ay horey u socon lahayd. Puntland waxaa lagu asaasey Axdi ka kooban 35 qodob oo ay si wanaagsan uga soo shaqeeyeen ruug-caddaa aqoon durugsan u leh sharciga, waxaana kamid ahaa dadkii la taliyaasha ka ahaa sameynta Axdigii Puntland, Guddoomiyaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda Dr. Cabdiqawi Yusuf.

Axdigii Puntland lagu asaasey waxaa lagu cadddeeyey in uu shaqeynaayo muddo saddex sano ah oo uu beddalaayo Dastuur afti dadweyne lagu ansixiyey, sidoo kale waxaa lagu sheegay haddii dastuur lagu diyaarin waayo waxa la yeelayo.

Dastuur waa mabaadi asaas u ah shuruuc ay dejisteen bulsho dal ama gobol ku nool oo go’aansadey in lagu maamulo, waxaana uu dastuur noqonayaa markii bulshadaas inta xaqa u leh in ay codeeyaan 51% isku raacaan oo afti ku ansixiyaan.

Sanadkii 2001 ayaa guddi uu hoggaaminaayo Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab) soo bandhigeen dastuurkii beddeli lahaa Axdiga, laakiin halkii afti dadweyne loo qaadi lahaa waxay sameeyeen shirar ay dadka ku dul akhrinaayaan sida uu quraan yahay, kadibna waxaa xigtey wixii Puntland ka dhacay 2001-2003.

Dastuurkaas waxa uu noqdey midka beddelay Axdigii 1998, kadib heshiiskii Puntland May 2003, iyada oo aan afti dadweyne loo qaadin, Dowladdii uu Madaxweynaha ka aha Gen. Cadde Muuse Xirsi ayaa u saartey guddi dib eegis ku sameeya dastuurka sanadkii 2007, sanadkii 2008 ayaa si weyn wax looga beddalay, markaas oo Puntland dooneysey in ay SHIDAAL soo saarto, laakiin lama horgeyn Golaha Wakiiladu si ay u ansixiyaan. Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa u sameeyey Wasiiru-dowle ka shaqeeya Arrimaha Dastuurka, waxaana laga bedalay wax badan kii hore ee la soo qorey sanadkii 2001 iyo 2008, si kastaba, sanadkii 2012 ayaa dowladdii markaa jirtey sheegtey in aan la awoodin in afti dadweyne lagu ansixiyo dastuurka, taas beddelkeeda, waxaa ansixinaya ergooyin gaaraya 480 oo qof, kuwaas oo 40% laga keenay qaybaha dowladda, halkii dastuurka lagu asnixin lahaa afti dadweyne, waxaana loo sameeyey si deg-deg ah iyada oo Madaxweyne Faroole yiri hadalkii caanka noqdey ee ahaa ” waa in la anisixyaa dastuuka Puntland ka hor inta aan la ansixin kan federaalka, si kan federaalka loo waafajiyo kan Puntland meelaha ay isku khilaafsan yihiin!.

BILOWGA KHILAAF DENI IYO KARAASH

Haddaba haddii aan isla fahamney taariikhda uu soo maray dastuurka Puntland, waxaa is weydiin mudan, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cismaan Cilmi, ma waxay isku hayaan qodobo dastuuri ah?, ma sharciga ayey isku hayaan?, maxay tahay sababta khilaafka soo cel-celisey, ha noqdo kii baarlamaanka, kii u dhexeeyey labadooda bartamihii sanadkii 2019, ama kan hadda u dhexeeya Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ee gaarey halkii ugu xumaa.

Doorashadii Puntland 2019, waxay ahayd mid si weyn uga duwan kuwii hore, waxaa ku baxay dhaqaalihii iyo musuqmaasuqii ugu badnaa abid ee doorasho lagu bixiyo. Doorashooyinkii hore waxaa dhici jirtey in Musharax u tartamaya tigidhka kowaad (Madaxweynaha) iyo mid u tartamaya tigidhka labaad (Madaxweyn ku-xigeen) ay si hoose u wada shaqeeyaan, midba kan kale u keeno Xildhibaanada uu haysto, laakiin doorashadii 2019 taasi ma dhicin, waase jirtey musharixiin tartanka ku harey oo hoos iska watey.

Dastuurku sida uu qabo waa in la doorto Madaxweyne iyo ku-xigeenkiisa, laakiin waxaa nasiib darro ah in labadoodu aysan isku tigidh ahayn ama aan la isla dooran sida caalamka ee midkasta goonidiisa loo doorto, haddaba doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu waa baarlamaani waana dastuuri, midkastaana awood iyo waajibaad ayuu lee yahay.

Axdiga 1998
Axdiga1998

Haddii dib u eegis lagu sameeyo, Axdigii Puntland, Dastuurkii dhigaalkiisu soo bilowdey 2001, iyo midkii la ansixiyey 2012. Waxaa kuu muuqanaya in Dastuurka 2012 wax badan laga beddalay awoodda Madaxweyne-kuxigeenka oo labadii horeba ku lahaa wood intaas ka badan, tusaale Dastuurka dhigaalkiisu soo bilowdey 2001 waxaa kamid ahaa qodbadiisa “in Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisu isla soo dhisayaan golaha wasiirada muddo 21 cisho ah”, halka kan 2012 loo beddalay Madaxweynaha ayaa soo dhisaya isaga oo la tashanaya ku-xigeenkiisa.

Madaxweyne ku-xigeenka waajibaadkiisa waxa ugu weyn:

  • Haddii Madaxweynhu dalka ka maqan yahay, ama uu xilkiisa gudan waayo sida arrimo caafimaad, waxaa uu qabanayaa dhamaan waajibaadkii Madaxweynaha.
  • Waa la-taliyaha dastuuriga ah, gaar ahaan dhisamaha xukuunmadda iyo kala diristeeda, magacaabista taliyaasha.

Labadaas qodob haddii Madaxweyne ku-xigeenka Puntland uu ka soo gudbo waxa uu ku tuntey sharciga, haddii Madaxweynaha Puntland labadaas qodob ka hor istaago Madaxweyne ku-xigeenka, oo marka uu dalka ka maqan yahay Teleefon ku maamulo, marka uu joogana la taliyaal ay u yihiin kuwo isagu samaystey ee aan dastuuri ahayn, waxaan dhihi karnaa waxa uu Madaxweynaha markaa ku xadugudbey sharciga iyo dastuurka.

Maqnaanshaha maxkmadda dastuuriga ah waxay Puntland u horseeday dhibaato badan, haddii la heli lahaa maxkmad dastuuri ah oo waajibaadkeeda gudata, ma dhacdeen midda haatan ka taagan Puntland. Dowladda uu Madaxweyne Deni hoggaanka u hayo waxay bilo ka hor ka soo baxdey mid kamid ah khilaafkii ugu xumaa ee Puntland soo mara, kaas oo sababay in dhiig ku daato, dad aan waxba galabsana ay ku geeriyoodeen, hanti ku burburtey, sidoo kale sumacad aan wanaagsaneyn Puntland u soo jiidey. Golaha Wakiilada ee la doonaayey in ay la xisaabtamaan Golaha fulinta sharcigana ku ilaaliyaan ayaa u muuqda kuwo awoodoodi wiiqantey sababta ugu weyn ay tahay, sida in badan oo kamid ah sharaftii iyo xasaannadii Xildhibaanku lahaa u iibsadeen, haddaba yaa waaye cidda u maqan Puntland?

Shir guddoonkii Golaha wakiilada ee Puntland waxay maalmahan ku wareegayeen qaar kamid ah Isimada Puntland si xal loo helo, kadib markii ay iyagu isaga ciyaareen awoodii dastuurku siiyey. Isimada Puntland ayaa qudhoodu yihiin kuwo aad u kala qaybsan oo awoodi ay wiiqantey mana muuqato in ay wax xal ah ka keeni karaan marka loo barbardhigo Khilaafaadkii hore.

Madaxweyne Deni laguma dooran doonitaanka Axmed Karaash, halka Madaxweyne ku-xigeenka aan lagu dooran doonitaanka Deni, waxaa lagu doortey sharci iyo nidaam Puntland dejisatey sidaas darteed waxay labaduba ku khasban yihiin in ay wada shaqeeyaan, sharciga iyo waajibaadka dastuurku siinayo ay kuwada shaqeeyaan.

Madaxweynaha Puntland waa madaxa iyo hoggaanka u sareeya Dowladda Puntland, waa qofka laga doonayo in uu dadka isku wado, sharciga ku hoggaamiyo, meeshii u tanaasul u baahan uu sameeeyo, khilaafaadkan badan waxay Puntland iyo hoggaankiisaba ka dirayaan weji aan wanaagsaneyn, ma ahan Madaxweynuhu ku fekero Mooshin iyo wax la mid ah, ma ahan in Madaxweynuhu ku fekero Puntland laga dhigo sida Jubaland, oo Madaxweynuhu sida wasiirada oo kale soo magacaabo Madaxweyne ku-xigeenka, iyada oo dastuurka wax laga beddalaayo.

Madaxweyne Deni si fudud ayuu khilaafkan aan macnaha weyn lahayn ku xalin karaa, laakiin maaha in meel kasta uu buris u qaato, waa in uu keeni karaa xal odaynimo.

Soomaaliya waxay maraysaa marxalad aad xasaasi u ah, waxaana horey u wiiqantey awoodihii Dowlad goboleedyada, Puntland oo sheegata Hooyada Federaalka, haddii ay sidaan ku jirto waxaan shaki ku jirin in isbeddelka siyaasadeed ee Soomaaliya, Juqraafi ahaan iyo macne ahaanba ay ku khasaarayo.

La soco qaybta danbe ee maqaalka……..

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Reader Interactions

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *