Minneapolis: Rabshadaha ka dhashay dilkii ninka Madow oo weli sii socda – SAWIRO

Published: May 29, 2020

Waxaa sii xoogeystay rabshadaha ka dhacaya magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka, halkaasi oo ay shacabka ka wadaan mudaharaadyo looga soo horjeedo dilkii todobaadkan ay booliiska magaaladaasi u geysteen nin Madow oo lagu magacaabo George Floyd.

Shacab careysan ayaa xalay gubay mid kamid ah Xarumaha Booliiska ee magaaladaasi, waxaana horey boob iyo burbur loola beegsaday xarumo ganacsi.

Dowlad Gobaleedka Minnesota ayaa magaalada keentay ciidamo gaaraya 500 askari oo ka tirsan kuwa gobalkaasi ee (National Guard) si loo xasilayo xaafadaha ay ka socdaan rabshadaha.

Xiisada taagan ayaa sii xoogeysatay kadib markii xeer illaalinta gobalkaasi ay ka gaabsatay inay shaaciso in maxkamad lasoo taagi doono ninka askariga ah ee geystay dilka Mr.Floyd, oo aan weli la xirin, walow shaqada laga fariisiyey askarigaasi iyo sadex kale oo ka tirsan ciidanka Booliiska.

Habeenimadii Khamiista ayey mudaharaadyo kale oo looga soo horjeedo dilkii George Floyd ay ka dhaceen magaalooyinka New York, Louisville iyo Denver.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *