RWANDA: Siyaasi hore oo Xabsi daa’in loogu xukumay, Xasuuqii dalkaas ka dhacay!

Published: May 29, 2020

Maxkamada dalka Rwanda ayaa Khamiistii shalay xukun Xabsi daa’in ah ku riday mid kamid ah Siyaasiyiintii iyo hogaamiyayaashii hore ee ka qeyb qaatay Xasuuqii ka dhacay dalkaasi xiligii uu socday dagaalka sokeeye sanadkii 1994.

Mr.Ladislas Ntaganzwa ayey Maxkamada sheegtay inuu ku lug lahaa xasuuqa boqolaal kun oo shacab ah, ninkan oo hada ah 58 sano jir ayaa ahaa Guddoomiyaha gobalka Nyakizu ee koonfurta dalka Rwanda.

Ninkan ayaa dacwada lagu soo oogay sanadkii 1996 xiligaasi oo uu baxsad ahaa.

Waxaana lasoo qabtay sanadkii 2015 isagoo xiligaasi ku sugnaa dalka Congo, waxaana lagu wareejiyey dalka Rwanda isagoo la horgeeyey Maxkamada Khaaska ah ee (RwandaTribunal) ee u xilsaaran xasuuqyadii ka dhacay dalkaasi.

Maxkamadeynta ninkan oo muddo dheer soo socotay ayaa ugu danbeyn la sheegay in hogaamiyahan lagu helay inuu isagu lahaa amarkii Maleeshiyaadka Hutuga ay ku dileen in ka badan 200-kun oo shacab ah oo u dhashay Qawmiyada Tutsiga ee ku noolaa gobalka uu ka talinayey.

Maalgeliyihii Xasuuqa!

Dhinaca kale waxaa horaantii bishan magaalada Paris ee dalka France lagu qabtay ganacsadihii ugu weynaa dalka Rwanda ee la sheego inuu maalgeliyey xasuuqii dalkaasi ka dhacay Felicien Kabuga.

Mr.Kabuga ayaa isaguna muddo 25 sano ah baxsad ahaa, waxaana lagu wadaa in dhawaan la horgeeyo Maxkamada Caalamiga ah ee ICC ee The Hague.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *