USA: Trump “…Hadii aan xiri karo Shirkada Twitter waan Xirayaa!…” VIDEO

Published: May 29, 2020

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sare usii qaaday weerarka afka ah ee uu la beegsanayo shirkada Twitter, isagoo sheegay in hadii sharciga u fasaxayo uu xirayo shirkadaasi oo uu sheegay inay “Afka-heyso” taageerayaashiisa iyo dadka la fikirka ah.

Trump ayaa todobaadkan ka carooday kadib markii Shirkada Twitter ay bilowday in fariimaha BEENTA ah ee uu Trump twitter ku qoro ay raaciso lifaaq ama Link wata xog (Fact Check) dheeraad ah oo lagu beeninayo beenta uu faafiyo Madaxweynaha Maraykanka.

Donald Trump oo xalay shir jaraa’iid uu qabtay ku saxiixay sharci cusub ama dikareeto Madaxweyne oo uu sheegay in lagu xakameyn doono shirkadaha leh Shabakada Baraha-Bulshada, ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuuba gebi ahaan XIRO shirkada Twitter.

Trump ayaa yiri “…waxaan eegayaa in sharciga awood iisiinayo waxaana la tashanayaa Qareemadeyda…”

Waa hanjabaadii ugu danbeysay oo uu Trump u dirayo shirkadaha iyo mulkiilayaasha Baraha Bulshada xili uu olole ugu jiro doorashada dhici doonta Bisha November oo uu ka cabsi qabo in looga guuleysto.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *