Dfs oo sheegtay inay burburiyeen isbaaro shabaabku Maamulayay

Published: May 30, 2020

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in unug ka tirsan ciidanka gaarka ah ee Danab ay hawlgal qorsheysan ka fuliyeen meel u dhaw tuulada Leego si loo burburiyo isbaaro ay lacago ku qaadi jireen kooxda Al shabaab 21-ka Bishan May, 2020

Kumaandooska Danab oo ay la shaqeynayeen Ciidanka xoogga ayaa howlgalku ku dilay Seddex kama mid ahaa maleeshiyaadka Al shabaab, iyaga oo burburiyay isbaaradii ay lacagta ku qaadayeen.

Hawlgalkan oo ay  ka wadafuliyeen ciidanka Danab iyo qaybo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka meel u dhaw Leego ayaa qeeyb ka ah baacsiga lagu soo af jaraya haraadiga alshabaab ee ku dhumaleeysanaya qeybo ka mid ah degaanada dalka siday sheegtay dowladda federaalku.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *